Arsenal Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Dalab Ka Gudbisay Xiddiga Manuel Locatelli.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku adkeysatay inaysan weli wax dalab ah ka gudbinin Xiddiga khadka dhexe ee Sassuolo Manuel Locatelli.

Xiddiga reer Italy ayaa la filayaa in uu isaga tagi doono kooxdiisa xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay xulka qarankiisa Italy tartanka Euro 2020.

Agaasimaha kooxda Sassuolo ayaa xaqiijiyay in ay Gunners haatanba dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga 23 jirka ah iyaga oo saxiixa xiddiga kula tartamaya kooxda Juventus.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Goal, ilo wareedyo ka tirsan Arsenal ayaa beeniyay wararka sheegaya inay si la taaban karo ugu dhaqaaqeen xiddiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Arsenal xiiso u qabto saxiixa xiddiga laakiin ayna wax dalab ah ka gudbin saxiixiisa iyada oo lagu heli karo xiddiga 34 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*