Arsenal Oo Iska Diyaarinaysa In Ay Iska Iibiso 6 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah.

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso ugu yaraan 6 xiddig oo kooxda 1-aad si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda kuna dhisto koox u tartami karta koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa ku jirta xilli ciyaareed niyad jab leh iyaga oo kaalinta 9-aad kaga jirta kala saraynta premier League inkasta oo ay fursad u haysato ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu dhiso koox u tartami karta ku guulaysiga koobabka xilli ciyaareedka dambe waxana uu u baahanyahay in uu helo xiddigaha uu doonayo marka uu furmo suuqa xagaaga.

Si uu u helo lacag uu ku xoojiyo kooxdiisa Mikel Arteta ayaa doonaya in uu iska iibiyo ugu yaraan 6 xiddig suuqa Xagaaga si uu u helo lacag uu kula soo wareegto xiddigaha uu doonayo.

Mikel Arteta ayaa suuqa dhigay xiddigaha Matteo Guendouzi, Lucas Torreira, Mohamed Elneny, Ainsley Maitland-Niles, Sead Kolasinac Iyo Konstantinos Mavropanos ayaa ah xiddigaha ku jira Liiska xiddigaha ay iska dirayso kooxdu.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*