Arsenal Oo Iska Diiday Fursad Ay Kula Saxiixan Lahayd Victor Osimhen, Sabab.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga kooxda Napoli ee Victor Osimhen intii lagu guda jira suuqii xagaaga sabab la xidhiidha in kooxda reer Italy dalbanaysay lacag aad u badan.

Arsenal ayaa doonaysay saxiixa weeraryahan iyada oo doonaysa weeraryahan dilaa ah oo u dhalin kara goolal muhiim ah.

Napoli ayaa dhinaceeda doonaysay in ay iska iibiso Osimhen kadib markii uu dalbaday in uu boxo intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Napoli ayaa dalbatay lacag ka badan 105 milyan oo euro waana lacagtii ay Arsenal ka soo bixisay Declan Rice.

Romano ayaa sheegay in kooxda Premier League ka dhisan loo soo bandhigay fursad ay ku keeni karaan weeraryahanka Waqooyiga London bilowgii suuqa kala iibsiga bishii June, laakiin Napoli ayaa dalbatay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo dhameystiran.

Lacagtaas ayaa ah 120 milyan oo euro waana lacag noqonaysa mid rikoodh ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga