Arsenal Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Oo Ay 10 Sano Ka Hor Ka Dhigtay Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka caawa ee Newcastle United soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka fogaadaan rikoodh xun oo ay horay uga dhigeen horyaalka premier League.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku marti galin doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League.

Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro 0/0 ah galay kooxda Crystal Palace todobaadkii hore sidaasna ku joojiyay guulihii kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan looga badiyay garoonkeeda 3 kulan kadib markii ay guuldarooyin kala kulmeen kooxaha Leicester City, Aston Villa, Wolverhampton Wanderers & Burnley iyaga oo sidaas ku bar-bareeyay rikoodhkii guuldarooyinka ee ay dhigeen xilli ciyaareedkii 2010/2011.

Hadii ay Newcastle caawa garaacdo waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee ay Arsenal guuldaro kala kulantay garoonkeeda 5 kulan xilli ciyaareed kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*