Arsenal Oo Isha Ku Haysa Rikoodh 84 Sano Ka Hor Ay Ku Dhigtay Leeds United.

Kooxda Arsenal ayaa isha ku haysa rikoodhkoodii ugu fiicnaa ee guulaha xidhiidhka ah ee Leeds United oo 84 sano jira marka ay Arsenal marti galin doonto kooxda Leeds United.

Arsenal ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo ugu cad-cad in ay u soo baxaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa guul 4/1 ah ka gaadhay Leeds United qaybtii hore ee xilli ciyaareedka taas oo ahayd guusii 3-aad oo xidhiidh ah oo ay ka gaadho leeds United tartamada oo dhan.

Hadii ay Arsenal guul ka caawo Leeds United kulanka maanta waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee ay Arsenal 4 guul oo xidhiidh ah ka gaadho Leeds United tartamada oo dhan 84 sano.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal 4 kulan oo xidhiidh ah garaacday leeds United ayaa ahayd intii u dhexaysay November 1936 iyo April 1938.