Arsenal Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarinaysa Xiddig Qaab Ciyaareed Cajiib Ah Ku Jira.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee da’yarka ah ee Emile Smith Rowe kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Xiddiga 20jirka ah ayaa boos joogto ah ka helay kooxda Arsenal isaga oo ciyaaray kulamo dhawr ah waliba dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale.

Emile Smith Rowe  ayaa kooxda Arsenal wali kula jira heshiis 2 sano iyo badh ah laakiin kooxda ayaa doonaysa in ay heshiiska u kordhiso waliba kor ugu qaado mushaharkiisa 15 kun oo Gini todobaadkii.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenal xiddiga Emile Smith Rowe ka saxiixan doonto heshiis 5 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono 40 kun oo Gini todobaadkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*