Arsenal Oo Heshiis Afka Ah La Gaadhay Pierre-Emerick Aubameyang Si Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixo Kooxda

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii ay heshiis afka ah la gaadheen xiddiga reer Gabon.

Warkan ayaa imanaya xilli Pierre-Emerick Aubameyang lala xidhiidhinayo in uu isgaa tagayo kooxda Barcelona iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo waaweyn.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Arsenal iyo xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang heshiis afka ah gaadheen si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub oo 2 sano ah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu ku dhawyahay in uu warqada iyo qalinka is dul dhigo qalinkana ku duugo heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Laacib.net

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*