Arsenal Oo Heshay Wado Fudud Oo Ay Ku Heli Karto Badalka Alexandre Lacazette Suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay weeraryahanka Alexandre Lacazette ku darto heshiiska ay ku doonayso saxiixa weeraryahanka kooxda Sevilla ee Youssef En-Nesyri suuqa January.

Mikel Arteta ayaa doonaya saxiixa xiddiga Youssef En-Nesyri kaas oo dhaliyay 33 gool 85 kulan tan ilaa markii uu ku biiray Sevilla laakiin waxa lagu qiimeeyaa 38.5 milyan euro.

Si kasta ha ahaatee Wargayska La Razon ayaa sheegaya in ay Arsenal heshiiska ku dari doonto xiddiga ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta ee Lacazette.

Arteta ayaa doonaya in uu sii wado dhisida kooxiisa waxana uu En-Nesyri u arkaa xiddig ku soo kordhin kara gool dhalin fician kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa bilowgii xilli ciyaareedkan ku dhibaatootay gool dhalinta waxana uu doonayaa in uu xiddiga En-Nesyri noqdo midka xalin kara dhibaatadaas hadii ay dib u soo laabato.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*