Arsenal Oo Heshay Wado Ay Uga Taqalusayso Mesut Ozil, Maxay Damacsanyihiin?

Kooxda Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay wadahadalo la qaadato xiddiga ugu mushaharka badan kooxda ee Mesut Ozil kaas oo ay doonayaan in ay xiddiga reer Germany waydiistaan in uu lacag badan aqbalo isagana tago kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo uuna ka mid ahayn qorshaha Mikel Arteta hadana Xiddiga reer Germany ayaa diidan in uu ka tago kooxda ilaa inta uu ka dhamaysanayo heshiiskiisa Kooxda.

Xiddiga reer Germany ayaan hal daqiiqo u ciyaarin tartamada oo dhan tan ilaa markii dib loo soo laabtay xilli ciyaareedka.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa diidan in uu isaga tago kooxda xitaa hadii uu amaah uga tagayo isaga oo ku adkayanayo in uu sii joogi doono kooxda xitaa hadii uuna wax kulan ah u ciyaarin xilli ciyaareedka dambe.

Haatan wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay Ozil u soo bandhigto lacag badan si ay ugu qanciso in uu isaga tago kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Maamulka Arsenal xiddiga u soo bandhigi doonaan in uu jeebka ku shubto lacag dhan 18 milyan oo euro iyo waliba in uu si xor ah uga tagi karo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*