Arsenal Oo Heshay Wado Ay Ku Sii Haysan Karto Dani Ceballos, Maxay Damacsanyihiin?

Kooxda Arsenal ayaa rajaynaysa in ay sii dheeraysato heshiiska Amaahda ah ee ay ku haysato xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos ugu yaraan hal sano oo kale sida uu sheegayo wargayska El Mundo Deportivo.

Ceballos ayaa heshiis amaah ah kula jooga Gunners oo uu kaga soo biiray Madrid xagaagii hore Laakiin Los Blancos ayaan xiddiga ku darsan qorshaha xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga khadka dhexe ayaa doonaya in uu helo koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe si uu xulka qaranka Spain ugaga qayb qaato tartanka Euro 2021 ee xagaaga dambe.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga waxana uu doonayaa in uu ku sii haysto Emirates waxana uu u balanqaaday boos joogto ah xilli ciyaareedka dambe.

Maamulka Arsenal ayaa wadahadalo la furi doona Real Madrid si ay ugu qanciyaan in ay hal xilli ciyaareed oo kale ku sii haystaan Amaah.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*