Arsenal Oo Heshay Wado Ay Ku Helayso Saxiixa Xiddig Ay Kaga Dhagantahay Mikel Arteta.

Arsenal ayaa dooneysa in ay xiddigaha Joe Willock iyo Reiss Nelson ka qayb dhigto saxiixa ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Norwich City Emiliano Buendia, sida ay sheegayaan wararka.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ka mid ah bartilmaameedyada Mikel Arteta xilli uu Tababaruhu doonayo in uu kooxdiisa ku soo daro xiddig kubad sameeye ah inta lagu jiro suuqa Jnauary.

Xiddiga Emiliano Buendia ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay premier League xilli ciyaareedkii hore sidoo kale qaab fiican ku jira xilli ciyaareedkan horyaalka heerka 2-aad ee England isaga oo dhaliyay 7 gool caawiyena ka noqday 7 kale 19 kulan oo uu saftay.

Sida laga soo xigtay The Independent, Arsenal ayaa wadahadal bilow ah la yeelatay wakiilka Buendia si ay ugala hadlaan suurtagalnimada helitaanka saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal dooayso in ay midkood heshiiska ku darto xiddigaha Joe Willock iyo Reiss Nelson Si ay hoos ugu dhigaan qiimaha 40-ka milyan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*