Arsenal Oo Heshay Diiri Galin Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Ben White, Maxaa Cusub?

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay wadahadalo cusub la yeelato Brighton & Hove Albion, si ay u hesho saxiixa Xiddiga reer England Ben White, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa isku dayaysa inay lasoo saxiixato daafac xagaagan, ka dib markii uu ka tagay Xiddiga reer Brazil David Luiz, dhamaadka heshiiskiisa sidoo kale ay amaah ku dirtay xiddiga William Saliba.

Ben White ayaa ku fiican in uu ka ciyaara dhawr boos oo daafaca ah isaga oo ka ciyaara daafaca Dhexe iyo waliba daafaca Midig ee garabka taas oo keentay in uu Mikel Arteta ka dhigto bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaagan

Arsenal ayaa dalabkeedii ugu horeysay ka gudbisay Brighton, taasoo gaareysa 40 milyan euro si ay u hesho saxiixa Ben White laakiin kooxda Brighton ayaa isla markiiba diiday dalabkaas.

Intaas ka dib, Arsenal ayaa dalab cusub oo 47 milyan ah miiska u saartay Brighton si ay u hesho saxiixa daafaca laakiin Arsenal ayaa laga diiday dalabkii 2-aad ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Arsenal ayaa wadahadalo cusub la qaadan doonta Brighton si loo dhameystiro heshiiska, gaar ahaan tan iyo markii 23 jirkaan uu doonayo inuu baxo.

Shabakadda ayaa sheegtay in waxa maamulka Arsenal ku dhiirrigelinaya inay sii wadaan wada-xaajoodka ay tahay rabitaanka Ben White oo doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqa xagaagan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*