Arsenal Oo Heshay Badalka James Maddison Ka Heshay Man United.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man Unite ee Jesse Lingard inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Arsenal iyo Mikel Arteta ayaa suuqa ugu jira xiddig kubad sameeya ah ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo dhawr ah oo uu doonayo Mikel Arteta.

Xiddigaha James Maddison oo u ciyaara Leicester City iyo Martin Odegaard oo u ciyaara Real Madrid ayaa ah labada xiddig ee uu Mikel Arteta doonayo in uu Emirates keeno inta lagu jiro suuqa xaaagan.

Laakiin Gunners ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay Real Madrid iyo leciester City kala heshiiso saxiixa xiddigaha sabab la xidhiidha qiimaha ay kala dalbanayaan labada kooxood.

Laakiin wargayska Football Lonodn ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal dareenkooda u jeedinayso saxiixa xiddiga Jesse Lingard kaas oo la filayo in ay kooxda Man United iska iibiso xagaagan inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay amaahdii uu kula qaatay kooxda West Ham.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*