Arsenal Oo Heli Karta Saxiixa Christian Eriksen, Halkan Xiddig Ayaa Ka Caawin Kara.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay heli karto saxiixa xiddigii hore ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen sida ay sheegayaan wararku.

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u soo bandhigayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen si ay ugu badashaan xiddiga Arsenal amaahda haatan uga maqan ee Lucas Torreira.

Eriksen ayaa doonaya in uu isaga tago Inter Milan kuna soo laabto Premier League xilli uu ku dhibaatoonayo kooxda reer Italy tan ilaa markii uu ku biiray.

Dhanka kale Torrier ayaa amaah uga tagay Arsenal isaga oo kula jooga kooda Atletico Madrid kadib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda Arteta.

Laakiin xiddiga reer Uruguay ayaa sidoo kale Atletico Madrid ku dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 13 kulan u saftay kooxda.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Inter Milan doonayso in ay heshiis isku badalasho ah u soo bandhigto Arsenal si ay isku dhaafsadaan labada xiddig.

Xiddiga Arsenal ayaa la filayaa in ay soo dhawayso heshiiskan marka loo eego in uu Mikel Arteta raadinayo kubad sameeye xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Oo Kuu Muujinaysa In Uu Gacaliyahaagu Aad Kuu Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*