Arsenal Oo Hal Shardi Ku Xidhay In ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Eberechi Eze

Arsenal ayaa dejisay qorshe ay ku soo xero galinayso Eberechi Eze si ay u dhamaystirto xagaaga mashquulka badan ee suuqa kala iibsiga – laakiin waxa jira hal dhibaato oo suurtogal ah in ay kooxdu ku raad joogto xiddiga Crystal Palace.

Maamulka Arsenal ayaa aad u faraxsan kadib markii ay dhamaystireen saxiixa xiddiga Victor Gyokeres.

Waxa uu noqday saxiixii lixaad ee Arsenal ee suuqa, ka dib Kepa Arrizabalaga, Christian Norgaard, Cristian Mosquera, Noni Madueke iyo Martin Zubimendi oo kula biiray kooxda.

Laakiin waxa ay dareenkooda u jeediyeen saxiixii 7-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay The Athletic Maamulka Arsenal ayaa u dhaqaaqi doona saxiixa Eze kaliya hadii xiddigu Maamulka kooxdiisa ku qasbo ku biirista Arsenal.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga