Arsenal Oo Guuldaro Kala Kulantay Everton & Goolhaye Bernd Leno Oo Sameeyay Khalad Waali Ah.

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa guul dahabi ah oo ay ugu soo dhowaatay kaalmaha sare waxay kasoo heshay Arsenal oo ay ku booqatay Emirates Stadium.

Qaybta Hore:

Kulankan oo intii aanu bilaabmin ay hadheeyeen mudaharaadyo bannaanka garoonka ka dhacay oo ay kumannaan taageereyaal ahi iskugu yimaaddeen, ayaa waxa labada kooxood kala saaray gool uu iska dhaliyey goolhaye Arsenal oo kubbad uu damacsanaa in uu gacanta ku qabsaday ay ka hoos-baxday kaddibna lugta kaga dhacday, sidaasna ku noqotay gool.

Arsenal oo inta badan maamulanaysay ciyaarta ayaan samaynin halis badan, waxaanay kubaddeedu ku koobnayd khadka dhexe, halka Everton ay ka dhisnayd weerarka oo kubbadaheedu halis ku ahaayeen goolka Gunners.

Gunners ayay muuqatay in ciyaartan ay u jabtay weeraryahannadeeda Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo dhaawacyo ku maqnaa, kuwaas oo kubadda badan ee ay kooxdu haysatay ka faa’iidayn lahaa.

Everton ayaa yeelatay 52 dhibcood iyadoo hal dhibic ka hoosaysa Liverpool iyo Tottenham oo min 53 dhibcood kala haysta, laakiin Arsenal ayaa hoos usii dhacday oo ku jirta kaalinta 9aad oo ay ku haysato 46 dhibcood.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu hoos usii degi doontaa haddii ay soo guuleystaan Leeds United oo ay min 46 dhibcood leeyihiin balse dhinaca goolasha ka hoosaysa iyo Aston Villa oo iyagana ciyaari baaqi u tahay, haystana 44 dhibcood.

Qaybta Dambe:

Markii laga soo noqday waqtiga nasashada ayay mar kale Arsenal ciyaarta maamulkeeda sii haysatay,iyadoo Everton ay kaliya 42 boqolkiiba gacanta ku haysay, hase yeesee haddana Toffees ayaa awood u yeelatay in ay samayso sagaal toogasho halka Arsenal ay lix mar oo kaliya toogatay goolka Everton.

Daqiiqaddii 76aad ayay ciyaartu isbeddeshay, markaas oo goolhaye Berd Leno uu iska dhaliyey kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Richarlison, taas oo faraha Leno ka dhex-baxday kaddibna lugta  kaga sii dhacday ka hor intii aanay ku leexanin goolka oo markii hore ay hormaraysay.

Daqiiqaddii 92aad ayay Arsenal halis gelisay goolka Everton, waxaana kubbad halis ahayd oo xerada ganaaxa dhexdeeda uu ka helay Gabriel Martinelli uu ku qabtay goolka, waxaase isku daadiyey goolhaye Jordan Pickford.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*