Arsenal Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Arsenal ayaa bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana ay garaacday kooxda Ipswich Town kulan saaxiibtinimo ah oo ka dhacay garoonka Tababarka ee London Colney.

Xiddiga Eddie Nketiah ayaa 3 gool u dhaliyay kooxda Arsenal kulan ay Gunners 5/1 ku garaacday kooxda Ipswich Town.

Xiddiga No.14 ayaa sidoo kale caawiey ka noqday gool uu dhaliyay xiddiga Sambi Lokonga ka hor inta uuna xiddiga.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Mikel Arteta ku qiimaynayo kooxdiisa ka hor inta ayna bilaaban kulamada waaweyn ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Waxa kulanka ciyaaray sidoo kale xiddigaha Thomas Partey, Ben White, Nicolas Pepe, Hector Bellerin iyo Reiss Nelson.

Xiddiga Nketiah 3 gool ku dhaliyay 35 daqiiqo ka hor inta uuna mikel Arteta is badal weyn ku samayn shaxdiisa qaybta dambe ee ciyaarta.