
Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Newcastle oo qeybtii hore ay ku dhameysteen bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 19-aad ee horyaalka Ingiriiska xilli uu ku dhamaaday sedex gool oo nadiif ah .
Qeybta hore Arsenal ayaa kubadda haysatay waxa ayna daqiiqadii 14-aad heleen fursad xaqiiq aheyd ka dib kubad uu goolhayaha Newcastle ka bad baadiyay Saka waxa ayna birta kaga sii dhacday Aubameyang .
Arsenal , waxa ay qeybtaas hore ka sheeganayeen in go`aanada kubadda ay deg deg u qaadanayeen waliba aysan diiradda saareyn ciyaarta waxaana lagu nastay bar bar dhaca bilaa goolal ah .
Qeybta labaad , Arsenal kubad deg degsiimo leh ayay ku bilaabeen xilli biloowgii goolhayaha Newcastle uu fursad xaqiiq ahaa u diiday Lacazette .
Si waliba, Newcastloe kubadaha laadaadka dhaadheer ayay ku tiirsanaayeen balse waa u nuglaayeen gool laga dhaliyo marka la eego sida Arsenal dar dar u ahaayeen .
Ka dib kubad uu meel fog ka baasay Partey waxaa helay Aubameyang oo gool cajiib ah dhaliyay daqiiqaddii 50-aad , ka dib Arsenal cadaadis ayay sameeyen illaa mid labaad daqiiqaddii 51-aad ka helaan waxaana saxiixay Saka .
Arsenal waxa ay badalkooda koowaad sameeyeen daqiiqaddii 67-aad waxa ayna soo giliyeen Mohamed Elneny oo loo saaray Partey, ka dib Arsenal cadaadiska ayay sii xoojiyeen oo gool sedexaad ayay baadi goobayeen .
Dadaalkii Arsenal waxa ay ku keeneen gool sedexaad waxaana daqiiqaddii 77-aad saxiixay Aubameyang , waxa ayna ka dib soo giliyeen William oo loo saaray Aubameyan halka uu sii raacay Smith-Rowe waxaana lagu badalay Gabriel Martinelli
Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay sedexdaas gool ee ay Arsenal ku garaaceen Newcastle.
Be the first to comment