Arsenal Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Watford Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Watford Kulan saaxiibtinimo ah oo ka dhaca garoonka tababarka Arsenal ee London Colney.

Mikel Arteta ayaa fursad siiyay xiddigo badan oo isugu jira da’yar iyo kooxda 1-aad si uu dhamaan xiddigiisa ugu diyaariyo bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Watford iyada oo ay xiddigaha Eddie Nketiah, Alexandre Lacazette, Kieran Tierney & Miguel Azeez dhamaantood shabaqa soo taabteen kooxdoodana ku hogaamiyay guul 4/1 ah.

Miklel Arteta ayaa ku faraxsan in kooxdiisa laga dhaliyay kaliya hal gool iyada oo waliba goolkaas sabab u ahaa khalad uu galay xiddiga Mohamed Elneny.

Kooxda Arsenal ayaa kulankii 2-aad oo xidhiidh ah guul gaadhay kulamada isku diayarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo uu Arteta tijaabiyay xiddigaha kooxdiisa.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*