Arsenal Oo Guul-daradii Sedexaad Ee Xilli Ciyaareedkaan Ah Dusha U Saartay Liveprool

Arsenal ayaa guul ka gaartay Liverpool oo marti aheyd waxa ayna soo bandhigeen ciyaar daafac ah xilli qaladaad ka dhacya wiilasha Klopp ay ka faa`ideysteen.

Arsenal ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtay 2/1 ciyaar ay hareeyeen qaladaad , xilli qeybtaas Mohamed Salah ahaa maqane jooge

Liverpool iyaga ayaa sameyaynayay cadaadiska, daqiiqadii 12-aad Liveprool waxa ay ku sigteen gool balse birta ayaa u diiday a adib kubad baaskeeda uu qalday goolhayaha Arsenal waxaa heley oo ka hor istaagay Ferminmho balse kubadaas laaicbkaa sku dhacday waxaa soo celisay birta .

Arsenal waxaa qeybtaas hore ku adkaa in kubadda ka soo saaraan aagga gooshooda xilli kubadda ay jiidaanba durbaba la soo celinayay

Xilli xaalka sidaas ahaa, Liverpool qalad ayaa ka dhacay waliba Van Dijk oo si qaldan kubadda ugu baasay Fabinho balse waxaa dhexda ka qabsaday Alexandre Lacazette kaasi oo seexiyay goolhayaha Liveprool waxa uuna shabaqa dhex dhigay kubadda daqiiqaddii 32-aad

Liverpool , kubadda waa ku badnaayeen balse si sax ah uma aysan geeyneyn goosha Arsenal illaa mar kale uu ka dhaco qalad kale , markaan waxaa sameeyay goolahaye Alisson Becker kaasi oo kubad gacanta loogu soo baasay si qaldan u baasay waxaana dhexda ka qabsaday Alexandre Lacazette kaasi oo u baasday Reiss Nelson waxa ayna aheyd daqiiqadii 44-aad xilli xiddigaas uu si wacan ugu hubsaday shabaqa .

Biloowga qeybta labaad ,Liverpool iyaga ayaa halis ahaa waliba kubadda gaarsiinayay aagga goosha Arsenal iyadoo ay jireen fursado laga hor istaagay , sida muuqaneysay-na iyaga ayaa laga filan karay gool.

Daqiiqadii 55-aad gool cajiib noqon lahaa waxaa laga bad baadiyay oo si dirqi ah u bixiyay goolhayaha Arsenla ka dib markii Salah uu qurxoon kubad ugu maamushay David Silva ,

Arsenal si kubadda u la qeybsadaan Liverpool , waxa uu tababare Artetta sameeyay badallo isaga oo daqiiqadii 58-aad saaray Lucas Torreira waxa uuna soo giliyay Daniel Ceballos halka Alexandre Lacazette lagu badlaay isna Joseph Willock halka la soo giliyay Pierre-Emerick Aubameyang oo loo saaray Reiss Nelson

Liverpool iyaga ayaa maamulka kubadda ku sareeyay wlaiab heer dhan %64 xillu Arsenal dhib ku qabeen dhanka weerarka , waxa uuna Klopp soo giliyay Naby Keita iyo Takumi Minamino oo daqiiqadii 61-aad loo saaray Alex Oxlade-Chamberlain iyo Ferminho .

Arsenal waa hurdeen mararka qaar kubad haysashada Liverpool %90 ayay gaareysay iyaga ayaana la weerraaray kaliya waxa ay ku fiicnaayeen in ay kubadda ka soo saarayene aagga gooshooda.
Wax laag qoro ma jirrin ciyaarta kaliya gool ayaa ka maqnaa Liveprool waxa ayna Arsenal daqiaidii 76-aad soo giliyeen Cedric Soares oo lo saaray Ainsley Maitland-Niles

Arsenal wada daafac ayay ahaayeen xilli Liverpool goolka bar bar dhaca iyo kan guusha raadinayeen , waxa uuna Klopp daqiiqadii 83-aad saaray Slah oo lagu badalay Divock Origi halka uu soo galay Xherdan Shaqi oo loo saaray Georginio Wijnaldum

Xilli Liverpool fusardi cunayeen Arsenal daqiiqadihii geerida waa ay soo baxayeen waliba fusraod raadis ayay ahaayeen, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Arsenal ku badiyeen.

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Masar Oo Wafti Qarsoodi Ah U Soo Dirtay Somaliland Xilli Muranka Ay Kula Jiraan Itoobiya Cidka Isku shareeray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*