Arsenal Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaadhay Bournemouth Hogaankana Dheeraystay.

Kooxda Arsenal ayaa gaartay guul qaali ah kaddib markii ay 3–2 kaga adkaatay Bournemouth, kulan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Vitality Stadium.

Guushan kaddib, Arsenal waxay dhibcaheeda gaarsiisay 48 dhibcood, iyadoo 6 dhibcood ka hormartay Aston Villa oo si ku-meel-gaar ah kaalinta labaad ku jirta, isla markaana 7 dhibcood ka horreysa Manchester City oo Axadda la ciyaari doonta Chelsea. Dhanka kale, Bournemouth waxay ku hartay 23 dhibcood iyagoo fadhiya kaalinta 15-aad.

Bournemouth ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 10-aad kaddib gool uu dhaliyay Evanilson, balse Gabriel Magalhães ayaa daqiiqaddii 16-aad u barbareeyay Arsenal.

Daqiiqaddii 54-aad, Declan Rice ayaa dhaliyay goolka labaad ee Arsenal, isla ciyaaryahankaasna wuxuu mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 71-aad, isagoo u dhaliyay goolka saddexaad martida.

Bournemouth ayaa farqiga soo yareysay daqiiqaddii 76-aad kaddib gool qurux badan oo bannaanka xerada ganaaxa ka yimid oo uu dhaliyay Elliot Kroupi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga