Arsenal Oo Go’aan Kale Ka Gaadhay Mustaqbalka William Saliba

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay badashay go, aankeedii ahaa in ay amaah ku dirto William Saliba inta ka harsan suuqa Kala iibsiga England.

19 jirka ayaa ku soo biiray Arsenal xagaagii hore laakiin waxa heshiis amaah ah loogu diray kooxdiisii ​​hore ee Saint-Etienne halkaas oo uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed uu Maamulka Arsenal ugu qanciyay in uu u ciyaari karo kooxda 1-aad ee Arsenal xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan ku fashilmay in uu wax kulan ah su safto kooxda 1-aad iyada oo uuna Mikel Arteta ku qanacsanayn awoodiisa difaac xitaa laga reebay Liiska ay kooxdu kaga qayb galayso tartanka Europa League.

Saliba ayaa ku dhawaaday in uu heshiis amaah kale ah ugu biiro kooxda Saint-Etienne maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga laakiin heshiiska ayaa bur-buray.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysay in ay heshiis amaah ah ugu dirto xiddiga kooxaha ka ciyaara Championship-ka maadama uu wali furanyahay suuqa kala iibsiga xagaag ee England dhexdeeda.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta doonayo in uu sii haysto xiddiga ilaa suuqa January markaas oo uu doonayo in uu amaah u diro xiddiga.

Sii Akhriso: Banaanbaxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Burco Kadib Kufsi & Dil Loo Gaystay Hooyo 3 Caruur ah Dhashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*