Arsenal Oo Go`aan Ka Gaartay Mustaqbalka Dani Ceballos, Real Miyuu Ku Laabanayaa Mise?

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arteta ayaa u gacan haatiyay in uu doonayo in ay sii haystaan xiddiga amaahda ugu jooga ee Dani Ceballos

Laacibkaas ayaa amaah ugu yimid xagaagii hore iyadoo mudada hishiiska uu ahaa hal xilli ciyaareed , waxaana iska leh kooxda Real Madrid

Sports Mole ayaa ka soo xigatay tababare Arteta ” aad ayaan u jeclahay Dani Ceballos , hami gaar ah ayuu u leeyahay kubadda cagta , kulan walibana xamaasad ayuu ku soo muuqdaa”.

“Waxaan ka helay qaabka uu u dabaal dego ha noqoto gudaha garoonka ama kuraasta keydka” ayuu yiri macalinka

“Waxaan la hadleynaa Real una bandhigeynaa in aan dooneyno in aan toos ula wareegno Dani Ceballos”

” Dani Ceballos waddo saxan ayuu ku socdaa , muhiim ayuu u yahay kooxda waliba hor mar wacan ayuu sameynayaa” ayuu sii raaciyay tababare Arteta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*