Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka David Luiz

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna heshiis cusub u soo bandhigi doonin xiddiga David Luiz xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Brazil ayaa 16 kulan ku bilowda shaxda Gunners xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ka hor intii uuna dhaawac soo gaadhin qaliina lagu samayn.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in ayna Arsenal diyaar u ahayn in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga David Luiz marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda ee Haatan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga William Saliba ka soo laaban doono Amaah sidaas darteed ayna Arsenal heshiis cusub ka saxiixan doonin daafaca reer Brazil.

Arteta ayaa haysta in uu haysto dookhyo ku filan oo uu ku ku ciyaari karo sidaas darteed uuna u baahnayn in uu xiddiga 32 jirka ah heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*