Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Bernd Leno Kadib Qaab Ciyaareedkii Fiicnaa Ee Aaron Ramsdle

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso iibinta goolhaye Bernd Leno, kadib imaatinka Aaron Ramsdale xagaagan.

Goolhayaha reer Germany ayaa booskiisa Arsenal u waayay Goolhaye Ramsdle kulankii Norwich City waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Mustaqbalka Leno ee Emirates Stadium ayaa haatan shaki ku jira iyada oo Arsenal iska iibin karto xiddiga si ay lacag ugu hesho xoojinta kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga xagaaga dambe maadama ayna iska iibin karin suuqa January ee bartamaha xilliciyaareedka.

Arsenal ayaa Ramsdle la soo saxiixatay suuqii xagaaga waxana la filayaa in uu noqdo Goolhayaha 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay kulankii Norwich.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*