Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Houssem Aouar, Maxaa Cusub?

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.

Gunners ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga 22 jirka ah ilaa xagaagii waxana la filayay in ay sii wado baacsigiisa suuqyada soo socda marka loo eego in ay kooxdu dhibaatoonayso.

Laakiin wargayska The Athletic Ayaa sheegaysa in ay Maamulka Arsenal go’aansadeen in ayy isaga hadhaan baacsiga xiddiga.

Kooxda Arsenal ayaa ku fashilantay in ay kooxda Lyon kala heshiiso saxiixa xiddiga intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Sidaas darteed maamulka Arsenal ayaa xaqiiqsaday in ayna bixin karin lacagta 55 milyan ee ay Lyon ku qiimayso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*