Arsenal Oo Garaacday Tottenham Siina Dheeraystay Hogaanka Horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday Tottenham kulan dhinac kaliya ahaa oo ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Emirates.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay xilli ay kooxda Tottenham difaac ku jirtay oo ay weerar rogaal celis ah qaadaysay.

Arsenal ayaa samaysay fursado waali ah oo aan kala joogsi lahayn iyaga oo doonayay in ay furaan goolasha xilli ay Tottenham 11 xiddig ku difaacanaysay goolkeeda.

Daqiiqadii 20-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Thomas Partey kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Tottenham ayaa bilowday in ay difaaca ka baxdo iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Arsenal wali maamulayso ciyaarta.

Daqiiqadii 31-aad ayaa Tottenham loo dhigay rikoodhe kadib markii uu xiddiga Gabriel khalad ku galay xiddiga Richarlison waxana rikoodhaha gool u badalay Harry Kane oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood natiijo ahaan bar-baro yihiin laakiin ay Arsenal tahay kooxda fiican dhinac walba.

Qaybtii dambe ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay Tottenham ku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo raadinayay goolal kale.

Daqiiqadii 49-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ka faa’iidaystay khalad ka dhex dhacay daafaca iyo Goolhayaha Tottenham waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.

Tottenham ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Emersn Royal kaas oo khalad ku galay xiddiga Gabriel Martinelli ee u ciyaara Arsenal.

Arsenal oo ka faa’iidaysanaysa xasaanka loo taagay Tottenham ayaa laba jibaartay weerarka ay qaadayeen iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan.

Daqiiqadii 67-aad ayay dhaliyeen goolks 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Granit Xhaka kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal garaacday Tottenham isla markaas sii dheeraystay hogaanka horyaalka premier League.