Arsenal Oo Garaacday Sheffield United & Gunners Oo Ku Soo Laabatay Wadada Guulaha Premeir League.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Sheffield United kulan ka tirsanaa todobaadkii 31-aad ee horyaalka Premeir League iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha Horyaalka premier League.

Kulanka ayaa bilowgii ciyaarta ku adkaa kooxda Arsenal iyada oo Sheffield United si fiican u difaacatay inkasta oo ayna dhanka weerarka wax halis ah ku ahayn kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac adag oo ay dhigteen kooxda Sheffield United kuwaas oo iska caabiyay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 33-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii uu xiddiga Alexander Lacazette dhaliyay goolka 1-aad ee kooxda Arsenal goolashana u furay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican laakiin kaliya hal gool ah ka dhalisay kooxda Sheffield United.

Qaybtii dambe ayay Sheffield United Arsenal kala hor timid iska caabin ay ku doonaysay in ay Arsenal kaga dhaliso goolka bar-baraha waxana ay heshay fursado yar-yar.

Laakiin Daqiiqadii 71-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Arsenal ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan maadama aan la isku halayn karin natiijo 2 gool ah.

Daqiiqadii 85-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Lacazette kaas oo ciyaarta dilay kana dhigay 3/0 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul ay u qalmeen premier League kadib 2 kulan oo ayna wax guul ah gaadhin horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*