Arsenal Oo Garaacday Kooxda Molde, Pepe Oo Gool Qurux Badan Ku Soo Laabtay & Gunners Oo Iska Xaadirisay Wareega Xiga Ee Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda Molde iskana xaadiriyay wareega xiga ee tartanka Europa League kadib guul ay ka gaadheen kooxda reer Norway.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid qaybtii hore aad isugu dhaw iyada oo kooxda Molde samaysay fursado ay goolal ku doonaysay xilli ay Arsenal maamulaysay ciyaarta laakiin ay ka maqnayd dhamaystirka fursadaha.

Kooxda Molde ayaa iska khasaarisay fursado waali ah oo ay Arsenal uga hor mari kareen goolka furitaanka xilli wiilasha Mikel Artet Nasiibku garab istaagay qaybtii hore.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro bilaa gool ah qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay labadooduba goolal dhalin kareen marka loo eego fursadihii ay heleen.

Qaybta dambe:

Mikel Arteta ayaa u muuqday mid xiddigaha kooxdiisa soo canaantay intii lagu jiray nasashada waxana ay qaybtii dambe la yimaadeen dar-daro ayna lahayn qaybtii hore.

Xiddigaha Arsenal ayaa laba jibaaray weerarada iyo dadaalada ay ku doonayeen in ay gool ku dhaliyaan ciyaartana wax kaga badalanaa.

Daqiiqadii 50-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo taageerayaasha kooxda iyo xiddigahaba ku raali galiyay gool qurux badan.

Arsenal ayaa sii waday raadinta goolasha iyaga oo aan joojin dadaalka iyo weerarada ay ku qaadayeen kooxda Molde oo u muuqatay kuwo niyad jabay.

Daqiiqadii 55-aad ayay Arsenal mar kale dhalisay gool kale waxana markan shabaqa soo taabtay xiddiga Riess Nelson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Daqiiqadii 83-aad ayay Arsenal soo afjartay goolasha kadib markii xiddiga Da’yarka ah ee Folarin Balogun dhaliyay goolka 3-aad waliba ka dhaliyay kubadii ugu horaysay ee uu taabtay kadib markii uu badal ku soo galay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul 3/0 ah iskana xaadirisay wareega xiga ee tartanka Europa League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*