Arsenal Oo Gaadhay Guusheedii Ugu Horaysay Ee Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Arsenal ayaa 4/1 ku garaacday kooxda Millwall kulan ka dhacay garoonka tababarka Gunners ee London Colney iyaga oo sidaas ku gaadhay guushoodii ugu horaysay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Gunners ayaa kansashay safarkoodii dalka Maraykanka kadib markii qof ka mid ah kooxda laga helay xanuunka Koroan taas oo keentay in ay kooxdu iska joogto London.

Arsenal ayaa si deg-deg ah u balansatay kooxda reer London iyaga oo ciyaaray kulankoodii 3-aad ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Mikel Arteta ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigo muhiim ah sida Pierre-Emerick Aubameyang, Kieran Tierney, Emile Smith Rowe, Thomas Partey & Nicolas Pepe.

Xiddigaha Pepe & Callum Chambers ayaa dhaliyay goolasha qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta ayna xiddigaha Folarin Balogun & Alexandre Lacazette badal ku soo galin sidaasna ku dhalin goolal.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*