Arsenal Oo Europa League Ka Jecel Premier League & Xogtan Oo Muujinaysa.

Tartanka Europa League ayaa u muuqda in uu yahay midka ay jeceshahay Arsenal marka loo eego xogta loo diwaan galiyay loona bar-bar dhigo Prmeier League.

Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa in ay goolal dhaliso premier League laakiin waxa ay goolasha sida roobka u dhalinaysaa tartanka Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa 3/0 ku garaacday Molde kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee wareega Group-yada tartanka Europa League.

Shabakada Opta ayaa diwaan galisay xog muujinaysa sida ay Arsenal Europa League uga jeceshahay Premier League kadib kulankii Molde.

Tan ilaa markii ay 2/1 uga badiyeen kooxda Sheffield United bilowgii bisha October 12 ka mid ah 13-kii gool ee ay Arsenal dhalisay tartamada oo dhan ayaa ka yimid Europa League marka laga reebo goolkii rikoodhada ahayd ee uu Pierre-Emerick Aubameyang ka dhaliyay Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*