Arsenal Oo Doonaysa Xiddig U Ciyaara Barcelona.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha Barcelona ee Neto inta lagu jiro suuqa Januar.

31 jirkan ayaa kaydka u fadhiya Marc-Andre ter Stegen Waxana uu kooxda u saftay 14 kulan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Neto ayaa Barcelona kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah laakiin Sky Sport ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo Goolhayaha inta lagu jiro bishan.

Mikel Arteta ayaa Neto u doonaya badalka Alex Runarsson kaas oo la filayo in uu qaab amaah ah uga tago kooxda kadib markii uu qaab xun soo bandhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*