Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo Oo Khadka Dhexe Ah.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi karto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Empoli Samuele Ricci inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 20 kulan isla markaas dhaliyay hal gool mid kalena caawiye ka noqday.

Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddig ka ciyaara khadka dhexe ee daafaca bishan, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Ricci ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Arsenal.

Dhanka kale kooxda Empoli ayaa xiddiga da’yarka ah u aragta xiddig muhiim u ah kooxda waxana ay kaliya ku fasixi doontaa dalab aad u sareeya iyada oo uu xiddigu kula jiro heshiis ilaa 2024 ah.

Ricci ayaa ka soo baxay Akademiyada kooxda rer Italy waxana uu horyaalka Serie A-da u ciyaaray kooxdiisa 18 kulan xilli ciyaareedkan.