Arsenal Oo Doonaysa In Ay Man United Ku Garaacdo Saxiixa Xiddig Man United Lala Xidhiidhinayo & Pierre-Emerick Aubameyang Oo Sabab U Ah.

Kooxda Arsenal aya xiiso u qabta saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele sida ay sheegayaan wararku

Ousmane Dembele ayuu heshiiskiisa Barcelona dhici doonaa xagaaga 2021 waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Camp Nou xagaaga dambe.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda doonaysay saxiixa xiddiga reer France si ay badal uga dhigaan xiddiga Jadon Sancho kaas oo ay ku fashilmeen saxiixiisa.

Laakiin Ousmane Dembele ayaa iska diiday in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagii xitaa eshiis amaah ah isaga oo doonayay in uu ka fiirsando dookhyadiisa.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal doonayso in ay saxiixa Ousmane Dembele ku garaacdo kooxda Man United si ay u rumayso riyada kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang ee ah in uu mar kale ka garab ciyaaro xiddiga.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Dembele kaga soo garab ciyaaray kooxda Dortmund waxana uu doonayaa in uu mar kale ka garab ciyaaro xiddiga 23 jirka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*