Arsenal Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh 43 Sano Jir Ah Kulanka Man City.

Arsenal ayaa kulanka Man City ee caawa gali doonta iyaga oo 5 dhibcood ka horeeya kooxda ay martida u yihiin ee Man City.

Inkasta oo uu Man City hal kulan baaqi u yahay Hadana Gunners ayaa sii dheeraysan doonta dhibcaha ay ka sarayso kooxda Man City.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa guuldaro la kulantay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay Arsenal iyaga oo laga dhaliyay 3 gool 5 ka mid ah 6-daas kulan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa doonaysa in ay ka fogaato rikoodh ah in ay bar-barayso guuldarooyinkii ugu dheeraa ee ay koox kaliya ku lahayd horyaalka premier League.

Rikoodhkaas ayaa ahaa mid ay Arsenal guuldaro kala kulantay 7 klan kooxda Ipswich Town Intii u dhexaysay 1974/1977.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*