Arsenal Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso 7 Xiddig Suuqa Xagaaga.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu kooxdiisa ka diro ugu yaraan 7 xiddig marka la gaadho suuqa xagaaga.

Rajada Gunners ee ka qayb galka tartamada yurub ee xilli ciyaareedka dambe ayuu halis ku jiraa iyaga oo kaliya tartamadaas ugu soo bixi kara ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan.

Arintaas ayaa keenaysa in ay Arsenal wajahayso xaalad dhaqaale xumo oo aan fiicnayn xlli uu sidoo kale xanuunka Korona saamayn weyn ku yeeshay kooxda.

Si kasta ha ahaatee Mikel Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa ka xoojiyo dhawr boos marka la gaadho suqua xagaaga isaga oo doonaya saxiixa xiddig daafac midi ka giyaara sidoo kale daafac bidix, khadka dhexe iyo weeraryahan.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta doonayo in uu iska iibiyo xiddigo badan si uu u helo lacag uu boosaskaas ugu xoojiyo marka uu furmo suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Arteta doonayo in uu iibiyo xiddigaha Mathew Ryan, Dani Ceballos, Matteo Guendouzi, Lucas Torreira, Reiss Nelson, Hector Bellerin & David Luiz.

Sidoo kale Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno xiddigaha Martin Odegaard oo haatanba amaah kula jooga kooxda, Nabil Fekir ama Julian Brandt.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*