Arsenal Oo Doonaysa In Ay Iska IibISO 3 Xiddig Oo Muhiim U Ah Kooxda & Thomas Partey Oo Sabab U Ah.

Kooxda Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay iska iibiso Midkood xiddigaha Alexandre Lacazette, Matteo Guendouzi ama Lucas Torreira si ay lacag ugu aruuriyaan saxiixa xiddiga dhexe ee kooxda Atletico Madrid Thomas Partey xagaagaan.

Wararka ayaa sheegaya in Partey oo 27 jir ah uu diyaar u yahay inuu ku biiro Gunners ka dib shan sano oo uu joogay Atletico.

Laakiin Arsenal ayaan hayn lacag badan sabab la xidhiidha xanuunka Korona Mikel Arteta ayaana ku qasban in uu xiddigaha qaar ka iibiyo kooxdiisa si uu ugu dhaqaaqo saxiixa xiddiga reer Ghana oo lagu heli karo 45 milyan oo euro.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenalisku diyaarineyso in ay iska iibiso midkood Lacazette, Guendouzi ama Torreira si ay u hesho saxiixa Partey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*