Arsenal Oo Doonaysa In Ay Heshiis Isku Badalasho Ah La Samayso Juventus & Xiddiga Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay Juventus la samayso heshiis isku badalasho ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Juventus siiso weeraryahanka Alexandre Lacazette inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Gunners ayaa dhankeeda doonaysa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Douglas Costa kaas oo uu Arteta u arko mid ku soo baxaya qorshihiisa kooxda.

Arsenal ayaa xiddiga Lacazette ku qiimaysa lacag dhan 30 milyan oo euro laakiin waxa ay diyaar u tahay in ay si toos ah ugu badalato xiddiga Douglas Costa.

Alexandre Lacazette ayaa ka baxay qorshaha Tababare Arteta waxana uu doonayaa in uu iska diro xiddiga xagaagan si uu lacagtiisa ugu xoojiyo boosaska kale.

Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Lagu Eedeeyay Dhibaatadii Xalay Ka Dhacday Xasbiga Dhexe Ee Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*