Arsenal Oo Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbinayso Xiddig Man City U Ciyaara.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga ka baxay qorshaha Man City ee Raheem Sterling marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu joogto ugu ciyaaro kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkii hore waxana uu haatan ka dambeeyaa xiddiga Jack Grealish kaas oo 100 milyan ku yimid kooxda.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Arsenal ayaa si dhaw ula socota xaalada xiddiga reer England kaas oo ilaa haatan aan heshiis cusub u saxiixin kooxda Man City.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga suuqa January hadii uuna boos joogto ah helin inta ka dhiman suuqa.

Mikel Arteta ayaa xidhiidh fiican la leh xiddiga waxana uu doonayaa in uu kula midoobo Emirates si uu ugu xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*