Arsenal Oo Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbinayso Douglas Luiz

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso dalab kale oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Douglas Luiz bisha January.

Ka dib markii lala xiriirinayay saxiixa Luiz xagaagii oo dhan, Gunners ayaa la rumeysan yahay in laga diiday laab dalab maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii xagaaga.

Sida laga soo xigtay The Sun, Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay mar kale u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Luiz marka uu furmo suuqa january ee sanadka cusub.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Mikel Arteta diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 15 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Xiddiga ayaa dhinaciisa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenal maadama uu ku jiro bilihii ugu dambeeyay heshiiska kooxda Aston Villa.