Arsenal Oo Diyaar U Ah In Ay Wax Walba U Samayso Saxiixa Xiddig Laga Naacay Baxsadna Ka Ah Real Madrid.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaadayso dadaalka ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee James Rodriguez sida ay sheegayaan wararku

Xiddiga reer Colombia ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Real Madrid xagaaga xilli ay Los Blancos aad u doonayso  koox ay ka iibiso dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Real Madrd doonayso saxiixa xiddiga reer Colombia si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa Real Madrid ku soo laabtay xagaagii kadib markii uu laba sano oo Amaah ah ku qaatay kooxda Bayern Munich.

Laakiin James Rodriguez ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 13 kulan u ciyaaray tartamada oo dhan.

Advertisements

Arteta ayaa aaminsan in uu James kooxda ku soo dari karo tayo cusub kooxdana ka caawin karo in ay u tartamaan koobab xilli ciyaareedka dambe.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*