Arsenal Oo Diyaar U Ah In Ay Man United Ka Iibiso Myles Lewis-Skelly Laakiin…

Arsenal ayaa la sheegay inay caddeeyeen inay iibin doonaan ciyaaryahanka ay bartilmaameedsanayaan Manchester United, Myles Lewis-Skelly, kaliya haddii la bixiyo lacag “aad u waalli ah” (qiimo aad u sarreeya).

Wararka ayaa sheegaya in United ay xiiseynayaan saxiixa Lewis-Skelly xagaagan, iyagoo ka doonaya xoojinta safkooda.

Luke Shaw ayaa soo bandhigay xilli ciyaareed fiican Old Trafford, balse United waxay rumeysan yihiin inuu u baahan doono taageero dheeri ah xilli ciyaareedka dambe, gaar ahaan haddii kooxda ay dib ugu soo laabato UEFA Champions League.

Manchester United waxay aad u qaddariyaan Lewis-Skelly, inkastoo 19-jirkan uu maray xilli ciyaareed la yaab leh oo aan aad u fiicneyn, xilli Arsenal ay weli ka mid yihiin kooxaha u tartamaya horyaalka Premier League.

Myles Lewis-Skelly ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Arsenal xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna ku dhammaystay isagoo ciyaaray 39 kulan dhammaan tartamada.

Ciyaaryahankan da’da yar wuxuu ka qeyb qaatay in Gunners ay si xooggan ugu tartamaan horyaalka, isla markaana ay gaaraan wareegga semi-finalka ee UEFA Champions League.

Da’yarka Myles Lewis-Skelly ayaa si gaar ah u soo jiitay indhaha markii Arsenal ay guul weyn ka gaareen Real Madrid tartanka Yurub.

Waxqabadkiisaas kadib, waxaa lagu amaanay inuu yahay “Ciyaaryahanka Da’da Yar ee Xilli Ciyaareedka” halyeeyada Manchester United iyo Liverpool kala ah Gary Neville iyo Jamie Carragher.

Dhanka kale, Arsenal waxay xagaagii hore siisay Lewis-Skelly—oo ka soo baxay akadeemiyadda kooxda—qandaraas cusub oo muddo dheer ah, iyagoo filayay inuu sii horumaro xilli ciyaareedkan oo uu sii muujiyo kartidiisa isagoo ka hoos ciyaaraya Mikel Arteta.

Si kastaba ha ahaatee, Myles Lewis-Skelly si weyn looguma darin safka Arsenal xilli ciyaareedkan, isagoo kaliya hal mar ku soo bilowday Premier League, isla markaana ka dambeeya  ciyaartoyda sida Riccardo Calafiori iyo Piero Hincapie.

Waqti ciyaareed la’aantiisa ayaa dhalisay warar sheegaya inuu ka tagi karo Arsenal dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo Manchester United ay si dhow ula socdaan xaaladdiisa.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in wakiilladiisa ay la xiriireen Manchester United si ay uga wadahadlaan suurtagalnimada heshiis, iyadoo labada dhinacba ay muujinayaan xiiso.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ben Jacobs, oo ka hadlay The United Stand, ayaa sheegay in ay noqon doonto heshiis “aad u adag” in Manchester United ay ku heshiiyaan saxiixa Myles Lewis-Skelly, sababtoo ah mowqifka adag ee Arsenal.

Waxaa la sheegay in Arsenal ay si weyn ugu faraxsan yihiin inay sii haystaan Lewis-Skelly, islamarkaana ay oggolaan doonaan bixitaankiisa oo keliya haddii la keeno lacag “aad u waalli ah” (qiimo aad u sarreeya).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga