Arsenal Oo Diyaar U Ah In Ay Iibiso 7 Xiddig & Ben White Oo Sabab U Ah.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso ilaa iyo 7 xddig si ay ugu maal galiso heshiiska ay kula soo wareegayso xiddiga Ben White.

Gunners ayaa heshiis 50 milyan ah ku dhamaystiraysa saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee 23 jirka ah kaas oo todobaadkan tijaabada caafimaadka maray.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa haatan ku qasban in ay iska iibiso xiddigo si ay isugu dheeli tirto dhaqaaleheeda wargayska Daily Mirror ayaana sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay iska iibiso 7 xiddig xagaagan.

Xiddiga Khadka dhexe ee Granit Xhaka ayaa ugu horeeya liiska xiddigaha la filayo in ay ka tagaan kooxda isaga oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Roma halka uu Hector Bellerin ku dhawyahay kooxda Inter Milan.

Xiddigaha Alexandre Lacazette, Willian, Sead Kolasinac, Lucas Torreira & Joe Willock ayaa ka mid ah sidoo kale xiddigaha la filayo in ay ka tagaan kooxda maadama ayna ka mid ahayn qorshaha Mikel Arteta.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*