Arsenal Oo Dhigtay Rikoodh Xun Oo Ayna Doonayn Kadib Guuldaradii Man City.

Kooxda Arsenal ayaa dhigtay rikoodh xun oo dhanka Goolasha ah kulankii ay guuldarada 1/0 ah kala kulantay kooxda Man City Premier League.

Gool uu Raheem Sterling dhaliyay daqiiqadihii ugu horeeyay ayaa Man City kaga filnaaday in ay garaacdo kooxda Arsenal xilli ay Arsenal ku fashilantay in ay dhaliso goolka bar-baraha.

Arsenal aya kulankii 4-aad oo xidhiidh ah ku fashilantay in ay koox gool ka dhaliso garoonkeeda Emirates markii ugu horaysay taas oo boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay dhigtay.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal ku fashilanto in ay koox ku fashilanto in ay gool kaga dhaliso garoonkeeda Emirates ayaa ahayd intii u dhexaysay 1972 Iyo 1976 markaas oo ay markaas oo ay Leeds United wax gool ah ka dhalin wayday 8 kulan garoonkeeda Emirates.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*