Arsenal Oo Dar-Dar Galinaysa Baacsia Ay Ugu Jirto Saxiixa Ben White

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dar-dar galiso baacsiga ay ugu jirto daafaca dhexe ee kooxda Brighton ee Ben White kadib markii uu xiddigu ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga 23 jirka ah ayaan ciyaarin wax daqiiqad ah intii uu socday tartanka Euro 2020 waxana si weyn loola xidhiidhinayay saxiixiisa kooxda Arsena.

Todobaadkii hore ayay soo bexeen warar sheegaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah oo cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Evening Standard, Arsenal ayaa haatan kor u qaadaysa waliba dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga reer England kadib markii uu ka soo baxay waajibaadka xulka qarankiisa.

Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga todobaadyada soo socda ka hor inta ayna kooxdu bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*