Arsenal Oo Daqiiqadii Ugu Dambaysay Ka Badbaaday Guuldaro Ay Kala Kulmi Lahayd Fulham.

Kooxda Arsenal ayaa sii wada natiijooyinkii xumaaa ee horyaalka premeir league iyaga oo guuldaro ka badbaaday daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta ay la ciyaartay Fulham.

Qaybta Hore:

Kooxda Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dagan iyaga oo maamulayay ciyaarta xilli ay kooxda Fulham ku jirtay daafac iyaga oo ciyarayay weeraro rogaal celis ah.

Arsenal ayaa u muuqatay kuwo ku dhibaatoonayay khadka dhexe iyo waliba weerarka maadama ayna jirin cid fursado badan samaysay halka ay sidoo kale weerarkoodu dhibaatoodeen maadama ayna helin kubad fiican.

Kooxda Arsenal ayaa 5 laad u laagtay goolka kooxda Fulham laakiin kaliya hal mid la heshay goolka taas oo cadaynaysa sidii ay ugu dhibaatoonayeen weerarka.

Dhanka kale Fulham ayaa iyadu daafac ku jirtay weeraro rogaal celis ah oo aan halis badan galina ku qaaday kooxda Arsenal.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin labadoodubana ku dhibaatoodeen weerarka.

Kooxda Arsenal ayaa dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Dani Ceballos laakiin Goolkaas ayaa loo diiday Offside uu ku jiray xiddigii dhigay kubada goolka laga dhaliyay.

Qaybta dambe:

Labada kooxood ayaa qyabtii dambe u muuqday kuwo labadooduba doonayay goolal marka loo eego fursado halis ah oo ay sameeyeen iyaga oo qaadayay weerar iyo weerar celis.

Daqiiqadii 59-aad ayay Fulham heshay goolka 1-aad waxana rikoodhe u dhaliyay xiddiga Josh Maja kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Kooxda Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha waxana ay goobo galiyeen xiddigaha kooxda Fulham kuwaas oo 11 xiddig ku difaacanayay.

Daqiiqadii 90+6-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Eddie Nketiah kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay Arsenal hal dhibic ku badbaadsatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal ka badbaaday guuldaro daqiiqadihii ugu dambeeyayna hal dhibic badbaadsadeen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*