Arsenal Oo Dalbatay In La Baajiyo Kulanka Tottenham Ee Axda, Sabab

Kulanka axada ee North London Derby ee u dhaxeeyay Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa haatan shaki la galinayaa iyadoo Gunners ay dooneyso in ciyaarta la joojiyo, waxaana ay wadahadalo ku saabsan xaaladan la leedahay Premier League.

Kooxda Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in xiddigo badan oo kooxda ah laga helay xanuunka Korona sidoo kale kooxdu dhaawacyo ku wayday xiddigo kale isla markaas koobka Africa u wayday xiddigo kale.

Mikel Arteta ayaan xaqiijin in uu kulanka Tottenham dhici doono iyo in kale xilli uu ka hadlayay shirkii ka horeeyay kulanka.

“Waxa aan qabnay wel-wel ka hor kulankii Liverpool ciyaarta kadibna waxa nagu soo kordhay dhibaato kale”ayuu Arteta yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*