Arsenal oo dalab Culus ka diyaarineysa Dheymanka OL Paqueta & Xaaladda dhabta ee Heshiiska

Wargeysyada Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay xiiseyneyso saxiixa xiddiga reer Brazil ee Lucas Paqueta, khadka dhexe ee kooxda Lyon, xagaagan.

Arsenal ayaa dooneysa inay xoojiso khadka dhexe ee ciyaarta, agaasimaha farsamada ee kooxda Ingariiska, Edu Gaspar, ayaa la xiriiray wakiilka 24 jirkaan, wuxuuna doonayaa inuu dalab u diro Lyon.

Shabakadda Goal ee Faransiiska ayaa xaqiijisay in Lyon aysan aqbali doonin wax ka yar 80 milyan oo Yuuro si ay ugu ogolaato Paqueta inuu ka tago kooxda xagaagan.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso wax ka yar, waxaana heshiiska uu u muuqdaa mid adag, gaar ahaan maadaama ciyaaryahanka reer Brazil Lucas Paqueta uu qandaraas kula jiro Lyon ilaa 2025.

Wararka ayaa tilmaamaya in Jean-Michel Aulas uusan hor istaagi doonin ciyaaryahanka inuu baxo, laakiin wuxuu ku xiray shuruud ah inuu helo lacag celin   badan si uu uga faa’iidaysto dhaqaale ahaan iibkiisa.

Newcastle ayaa ah kooxaha ugu caansan ee xiisaynaya Lucas Paqueta, oo ay weheliyaan Arsenal, laakiin ilaa hadda ma jiro dalab rasmi ah oo ay u soo bandhigtay kooxda Faransiiska.