Arsenal Oo Dalab 3-aad Ka Gudbinaysa Ben White.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso dalab seddexaad oo ay ka gudbineyso daafaca dhexe ee Brighton & Hove Albion Ben White.

Gunners ayaa la rumeysan yahay inay miiska soo saartay dalabyo dhan 40 milyan iyo 45 milyan si ay u hesho 23 jirkaan, kaasoo haatan ku jira waajibaadka xulka England ee Euro 2020.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa saxiixa White iyada oo ay tartanka ku jiraan kooxaha chelsea, Man City iyo Everton kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Arsenal ayaa weli ku rajo weyn inay heshiis la gaari karaan kooxda Brighyon waxaana ay la soo laaban doonaan dalab seddexaad oo ka fiican oo ay dhawaan ka gudbinayaan daafaca..

Xiddiga reer England ayaa dhankiisa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal inkasta oo uu badali karo go’aankiisa hadii ay kooxaha chelsea iyo Man City dalab ka gudbiyaan saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*