Arsenal Oo Dajisay Qorshe U Fududaynaya Saxiixa Bruno Guimarães

Kooxda Arsenal ayaa diyaarisay qorshe ay ku helayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle ee Bruno Guimarães sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisaha ay u qabtay xiddia khadka dhexe iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka cusub.

Mikel Arteta ayaa taageere u ah xiddiga reer Brazil waxana uu doonayaa in uu ku soo daro kooxdiisa suuqa xagaagan.

Wargayska Football Transfers ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso dalab lacag iyo waliba xiddig si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Newcastle ayaa ku qiimaysa xiddiga khadka dhexe lacag dhan 100 milyan oo euro waana lacag ayna Arsenal diyaar u ahayn in ay bixiso.

Sidaas darteed Arsenal ayaa bixinaysa laca iyo waliba mid ka mid ah xiddigaha kooxdeeda si ay ugu fududayso heshiiska Bruno Guimarães

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga